28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Muqdisho: Maxay siday diyaaradda xamuul ee maanta Istanbul ka timid?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad nooca xamuulka qaada ah, taasoo ka timid magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan garoonka.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus A330-343 ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa si ku-meel-gaar ah loo xadiday dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah adeegyada garoonka, taas oo dhalisay su’aallo ku saabsan nooca xamuulka ay sidday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya agabka ay diyaaraddu waday, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ku jiray. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xamuulka loo badinayo inuu ku wajahnaa saldhigga ciidamada Turkiga ee TURKSOM oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, markii laga dejiyay diyaaradda xamuulka ayaa lagu raray gaadiid gaar ah oo si deg-deg ah uga baxay gudaha garoonka, iyadoo aan loo oggolaan warbaahinta inay si dhow ula socoto howlaha dejinta.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ku leh saldhigga ugu weyn ee ay ku leedahay dibadda, kaasoo lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan milateriga iyo ciidamada gaarka ah.

Tan iyo markii la aas-aasay xarunta TURKSOM, Turkiga wuxuu si weyn uga qeyb qaatay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, isagoo bixiya tababaro, qalab iyo taageero dhinaca amniga ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii dambe gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo Ankara ay noqotay mid kamid ah saaxiibada ugu dhow ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana taageerta dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News