26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daacishta Somalia oo laga cabsi qabo inay sabab u noqdan Fashil ku imaada kulanka Gaas & Galan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in maalmaha fooda nagu soo heysa kulan taariikhi ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdisamad Galan oo ay xurguf u dhexeyso.

Kulanka labadaani mas’uul ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo haya gudaheeda uu ka dhaco magaalada Carmo oo kamid ah Xarumaha ay ku dhuumaaleystaan Galan iyo Ciidamadiisa.

Kulankaani ayaa waxa uu daba socdaa kulan Asbuucyadii tagay dhowr jeer fashilmay kadib markii Mr Galan uu diiday inuu la fadhiisto C/wali Gaas.

Galan ayaa heysta ciidamo kudhow Laba Boqol kuwaasi oo dhowr jeer weeraro kala kulmay kuwa daacada u ah Madaxweynaha Puntland, waxaana xusid mudan in Galan uu markiisa hore ka carooday xil ka qaadis lagu sameeyay.

Cabdisamad Galan ayaa waxa ay isku jufo hoose yihiin Hogaamiyaha Daacishta Somalia C/qaadir Muumin, waxaana laga cabsi qabaa in Tagitaanka Muumin ee Qandala uu sabab u noqdo Fashil mar kale ku imaada kulanka C/wali Gaas iyo Galan.

Duulaanka C/qaadir Muumin iyo Dagaalyahaanada uu wato ayaa u muuqda mid lagu dhabar jabinayo dadaalka lagu waday in lagu heshiisiiyo Kooxda Galan uu hogaamiyo oo u badan beesha uu kasoo jeedo Cabdulqaadir Muumin iyo Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa laga sugayaa inuu gaaro go’aan lagu hakinaayo la kulankiisa Galan ama in la baajinaayo maadaama ay soo baxeen Caqabado kale.

Ma cadda sida uu go’aanka noqon doono, waxaase lama huraan ah in C/wali Gaas iyo Cabdisamad Galan ay wada kulmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News