Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in goordhow halkaasi ay faarujiyeen maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee maalinimadii shalay halkaasi qabsaday.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada ay kusii dhawaaden deegaano kale oo ku dhow dhow Qandala waxaana la tilmaamayaa in wali ay ku dhex jiraan deegaanada Puntland.
Dadka deegaanka waxa ay sidoo kale sheegen in mar waliba ay suuragal tahay in maleeshiyada ay soo rogaal celiyaan maadaama aysan kawada bixin deegaanada Puntland.
Mudada ay maleeshiyada gacanta ku heysay deegaanka Qandala, ayaa waxaa halkaasi ka barakacay shacabkii deegaanka oo cabsi ka muujiyay dagaal dhexmara maamulka iyo Daacishta Somalia.
Maamulka Puntland ayaa bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan, tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya in Daacish la wareegtay gacan ku haynta Degmadaasi.
Sidoo kale, waxaa Qandala lagu arkay Sheekh C/qaadir Muumin Cali, oo horey u sheegtay inuu yahay Hogaamiyaha Daacishta Somaliya.
Dhanka kale, Calamadii ay kooxda Daacish sureen Magaalada Qandala ayaa la sheegay in laga siibay, kadib markii ay ka baxeen.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]