25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XOG: Xassan Sheekh oo go’aan quus ah ka gaaray Dagaalka Gaalkacyo & Beesha Caalamka oo uu maciin biday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada 0nline)– Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu gacan ka taagtay xal u helida dagaalka ka dhex oogan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu xalinta dagaalada labada maamul hordhigay Beesha Caalamka kadib markii Puntland ay xumeysay dadaaladii lagu xalin lahaa colaada taagan.

Madaxweyne Xassan oo kulamo gaar ah la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa waxa uu ka dalbaday inay kala dhexgalaan labada maamul, waxa uuna u cadeeyay in dowladiisu ay ku jahwareertay daminta colaada bacdamaa lagu eedeeyay inay la safatay Galmudug.

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale Wakiilada u cadeeyay in dagaalka xoogiisa uu bilowday wixii ka danbeeyay duqeymihii ka dhacay duleedka Gaalkacyo ee lagu dilay Ciidamo dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xassan waxa uu saaxiibada ka dalbaday inay dadajiyaan qaboojinta dagaalka maadaama lagu guda jiro xiliga doorashada.

Galmudug iyo Puntland ayaa midba midka kale ku eedeynaaya inuu kusoo duulay, waxaana adag in xal laga gaaro dagaalka.

Ma jirto saan saan muujinkarta in xal laga gaaray dagaalka maadaama dhowr jeer uu fashilmay wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News