Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Heerk uu gaarsiisan yahay Musuqa ka jira dalka tan iyo mudadii uu qabtay xilka.
Xassan Sheekh waxa uu sheegay inuu jiro Musuq maasuq ay ishu wada qabatay, waxa uuna tilmaamay in ilaa iyo xad ay la dagaalameen musuqa, hadana uusan jirin wax Musuq ah.
Xassan waxa uu sheegay in Musuqa uusan ku ekeen Somalia, balse uu ka jiro wadamada kale, waxa uuna carabka ku dhuftay in mudadii ugu danbeysay ay ku guuleysteen inay yareeyan Musuqa.
Waxa uu sheegay in Dowladdiisa mudadii Afarta sano aheyd ee ay jirtay ku guuleysatay in ay tayeyso Hay’adaha Maaliyadeed ee Dowladda, isla markaana ay yareyso Musuq maasuqa, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in hada si dar dar leh u shaqeynayaan Hay’adaha Maaliyadeed ee Dalka islamarkaana ay jiraan isla xisaabtan ku aadan lacagaha baxaya iyo kuw soo galaya Dowladda.
Madaxweyne Xassan waxa uu carabaabay in mudada uu sii joogi doono uu lasii dagaalami doono Musuqa.
Haddalka Madaxweyne Xassan waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo xarumaha Dowlada ay hareereysay Musuq-maasuq baahsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

