28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xog kusoo korortay Liiska Xubnaha Hirshabelle u matalaaya Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Maamulka Hirshabelle uu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka cusub.

Maamulka ayaa la filayaa in maanta uu soo saaro liiska xubnaha, waxaana ka dhexmuuqan doona shaqsiyaad caan ah kuwaasi oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

Guddiga Doorashooyinka Marka loo soo gudbiyo Liiska Xubnaha Aqalka Sare ayey dib ugu Celin doonaan Maamulka Hirshabelle,waxaana Baarlamaanka Hirshabelle ay Cod u qaadi doonaan Musharaxiinta ku Tartamaya Kursiga Xubnaha Aqalka Sare.

Beelaha Dega Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa durba Qeylo dhaan ka keenay qaabka loo soo xulay Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle.

Madaxda maamulka ayaa sidoo kale sheegtay in maalinta berri ah ay xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ay khudbad ka horjeedin doonaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda.

Ma cadda shaqsiyaadka ku guuleysan doona Aqalka Sare waxaana lagu wadaa in Xubnaha ugu badan ee kusoo baxa Aqalka Sare ay noqon doonaan Hogaamiye Kooxeedka ku jira Liiska la filaayo in la gudbiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News