Addis Ababa (Caasimada Online) – Warbixin kooban oo kasoo baxday Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxweynaha maamulka DDSI Cabdi Maxamuud Omar ”Cabdi Iley”.
Warbixinta Hay’adda waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Xabsi ku uruuriyay qoysas farabadan kuwaasi oo Carruurtooda dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha ka dhigay dalka Australia.
Hay’addu waxa ay sheegtay in xogo ay la wadaagtay qaar kamid ah dhalinyarada kasoo jeeda DDSI ee ku dhaqan dalka Australia ay muujineyso in qoysaskooda lagula kacay jir dil, sababo la xiriira ka hor imaanshiyahooda Siyaasada Madaxweyne Cabdo Omar.
Dadka ay Hay’adda xogaha la wadaagtay ayaa waxaa kamid ah Shukri Shafe Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Jigjiga balse iminka ku nool dalka Australia.
Shukri Shafe, waxa uu Hay’adda u sheegay in qoyskooda ay tacadiyo kala duwan kala kulmeen Ciidamada Deegaanka oo u hogaansamaaya amarka Madaxweyne Cabdi Omar.
Shukri Shafe, waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha maamulka uu dalbaday dhowr qoys kuwaasi oo ku ehel ah dhalinyarada kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha ee ku nool dalka Australia.
Hay’addu waxa ay sheegtay in Shukri Shafe uu qeyb ka ahaa dadkii faraha badnaa ee ku banaanbaxay Cabdi Omar, balse ficilkaasi dartii loo waxyeeleeyay qoyskooda.
Hay’addu waxa ay sidoo kale, sheegtay in Shukri Shafe Guuleed qoyskiisa loola dhaqmay si xuquuqda aadamiga ka fog, balse loo baahan yahay in maamulka DDSI ka jawaab bixiyo falkaasi.
Baaritaanka Hay’adda waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia qudheeda ay Jeelka dhigtay ilaa 15 qoys oo ehel la ah dhalinyarada Soomaalida ee kasoo jeeda maamulka kuna dhaqan dalka Australia.
Dowlada Ethiopia iyo Maamulka DDSI weli kama aysan jawaaabin eedeynta ay jeedisay Hay’adda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

