Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka sii haya dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay inuu qaar ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa ka hor istaago Baarlamanka cusub.
Waxaa dhaqan galay qorshe culus oo xildhibaanimada 2016-2020 looga hor istaagay laba ka mida siyaaasiyiinta ugu waaweyn beesha Wacbuudhan Abgaal ee sida uga horjeeday Xasan Sheekh oo kala ah:
1 – Cumar Maxamed Maxamud (Filish)
2 – Axmed Caddow Daaci.
Cumar Filish ayaa ka mid ahaa xubnihii Baarlamaankii 2012 ku soo galay qaab dacwad ah kadib markii guddigii doorashada ee xilligaasi uu ka reebay xubno lagu eedeeyay hogaamiye kooxeednimo oo gaarayay 20, markaas kadibna wuxuu ahaa xildhibaan si weyn uga horjeeda siyaasadda Xasan Sheekh.
Axmed Daaci oo caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa muddo dheer guddoomiye ka ahaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana kooxda Damjadiid dhex maray xurguf siyaasadeed oo keentay inay gurigiisa ku weeraraan Ogost 2014, iyagoo adeegsanaya ciidamada AMISOM.
Labadan siyaaasi ayaa u sharaxnaa kursiga beeshooda ee aqalka hoose, laakiin waxaa dhacday in Xasan Sheekh oo uu soo xildhibaan Aqalka Sare u magacaabo Muuse Suudi Yalaxow oo ay isku jufo yihiin labadan siyaasi, kuna taageeray inuu ku soo baxo senetoorada aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle, taasoo keentay in Cumar Filish iyo Axmed Daaci ay bannaanka ku soo dhacaan, maadaama jufadooda aanay isku heli karin labadaas kursi.
Waa mid ka mida qorsheyaasha uu Xasan Sheekh adeegsaday si uu meesha uga saaro siyaasiyiinta ka soo horjeeda, waxaana jira xubno kale oo lagu khaarijiyay farsamooyin kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]