Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe maanta lagu doortay lix xildhibaan oo ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay socoto wejiga labaad ee doorashadaasi.
Magacyada 6da Xubnood ee maanta ku guulaystay kuraasta Aqalka Hoose waxay kala yihiin:
- Siciid Xuseen Ciid
- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
- Burhaan Aadan Cumar
- Jaabir Maxamed Cabdi
- Siciido Maxamed Xasan
- Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe
Waxaa kuraasta loogu tartamay looguna kala guuleystay sida soo socota:
1. Kursiga Kowaad ee Beesha Carab Saalax , Waxaa ku guulaystay Siciid Xuseen Ciid oo helay 48 cod, Halka Musharixii la tartamayey Maxamuud Rooble Maxamed uu isna helay 1cod, waxaana xumaaday hal cod.
2. Kursiga kowaad ee Beesha Laylkase ,waxaa ku guulaystay Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32 cod.
3. Kursiga kowaad ee Beesha Awrtable , Waxaa ku guulaystay Burhaan Aaden Cumar oo helay 51cod, halka Mowliid Maxamed Siciid helay waxba (0).
4. Kursiga labaad ee Beesha Awrtable , Waxaa ku guulaystay Jaabir Maxamed Cabdi oo helay 32cod, Dr Ali Nuur Xuseen Ducaale Wuxu helay 19cod, halka Cabdikariim Axmed Maxamed uu helay waxba (0).
5. Kursiga labaad ee Beesha Laylkase , Waxaa ku guulaysatay Siciido Maxamed Xasan oo heshay 43cod , Xaawo Cabdulaahi Maxamed Waxay heshay 8cod, Halka Shamsho Faarax Daahir heshay waxba (0).
6. Kursiga Sadexaad ee Beesha Awrtable, Waxaa ku guulaysatay Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo heshay 31cod, Luujiyo Yuusuf Xaraare heshay 19 cod. Ergadu waxay ahayd 51xubnood, hal cod ayaa xumaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com