Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirada Arimaha Dibada Kenya Amina Maxamed, ayaa ka hadashay hankeeda ku aadan Hogaaminta ururka midowga Afrika ee AU oo dhawaan ay sheegtay inay u sharaxan tahya.
Amina Maxamed, waxa ay sheegtay in shaqsi ahaanteeda ay awood buuxda u leedahay Hogaaminta Ururka waxa ayna tilmaantay inaysan ka liidan kuwa iminka soo hogaamiyay Ururka.
Mr Amina Maxamed, waxay sheegtay inay karti u leedahay iyo waayo aragnimo qabashada shaqo noocaa ah, waxa ayna dalbatay in garab lagu siiyo qabashada Hogaanka midowga Afrika ee AU.
”Cid iga mudan ma filaayo inay jirto Hogaaminta midowga Afrika ee AU, keliya waxaan u baahanahay in garab leygu siiyo qabashada hogaankaasi”
Amina waxa ay tilmaantay in haddii loo dhiibo Hogaankaasi ay suuragaltahay inay dajiso qorshaha 2063 maadaama ay leedahay Khibrad ku filan.
Amina waxa ay carab dhawday inay hagaajin doonto xiriirka dibadda waa haddii loo dhiibo Hogaaminta Ururka, waxa ayna sheegtay inay diyaar u tahay in lagala xisaabtamo howshaasi.
Sidoo kale, waxay sheegtay inay soo bandhigi doonto khibradihii iyo xiriiradii ay ka heshay meelo badan oo caalamka ah ayadoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonto arimaha iskaashiga iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaarada iyo inta kale ee caalamka.
Amina ayaa waxaa howshaasi la wada Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta oo isagu muddo dhowr jeer ah ku celcelshay in Amina ay u qalanto Xilkaasi.
Dowlado kamid ah Ururka ayaa kasoo horjeeda in Amina ay Hogaamiso ururka midowga Afrika ee AU.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com