Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxay muran iyo is qabqabsi cusub oo beesha Waceysle dhexdeeda ah kuna saabsan xubinta aqalka hoose ee haweenka beesha loo calaamadeeyay iyo sababta xiligaan oo ergada dooran laheyd seddaxda xubnood ay ku sugan yihiin degmada Cadaado oo ay ka dhaceyso tartanka doorashada.
Beesha Xasan oo diiday in ay qaadato xubinta aqalka hoose ee dumarka iyo go’aan…
Bookmark
Bookmarked
Share
Xubinta aqalka hoose ee waqtigeeda la joogo in la doorto Talaadada ama arbacada ayaa waxaa horay loogu qoondeeyay beesha Absuge oo usoo sharaxaneysa qof dumar ah, sidaasina lagu heshiiyay, waxaase soo shaac baxay isbadal uu ka dhawaaqijiyay Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ah 135-ta Oday, ahna Guddoonka Guddiga sare ee dhaqnaka Beesha Waceysle.
Heshiis horay u jiray oo loo gudbiyay guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo mid gobol ayaa dhigayay in beesha Absuge qaadatay xubinta gabadha, waxaana sidoo kale heshiiskaan saxiixiisa loo gudbiyay xafiiska qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo tasiilaadka doorashooyinka qeyb ka mid ah bixiyay.
Laakiin isbadalka iyo qoraalka uu soo saaray Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo ayaa salka ku haayo khilaaf cusub oo soo dhex galay isaga iyo Madaxweynaha, taasoo loo aaneynaayo isbadalka iyo heshiis ka baxa Suldaanka.
Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo ayaa ka mid ah 135 oday, inkastoo uusan aheyn Suldaan rasmi ah oo la wada aqoonsan yahay.
Dhanka kale waxaa muran uu ka jiraa beelaha kale ee Abgaal sida Wacbuudhan iyo Harti Abgaal oo ku heshiin la cida qaadanayso xubinta haweenka oo jufo walba ay diidan taahay inay kusoo darsado qoondadeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
- Advertisement -
Read more

