Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo 25 sano kadib garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo caga dhigatay diyaarada ay leedahay shirkada Air Djibouti.
Diyaaradani ayaa markii ay kasoo caga dhiganeysay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa la socday Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkada.
Mas’uuliyiinta la soctay diyaarada ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde loogu sameeyay munaasabad yar waxaana ka hadlay Munaasabada mas’uuliyiin ka kala tirsan dowlada iyo Safaarada Jabuuti ee Muqdisho.
Mas’uuliyiintii la soctay Diyaarada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyahooda Garoonka Aadan Cadde.
Mas’uuliyiinta diyaarada la soctay ayaa ballanqaaday in safarada Muqdisho ay badin doonaan.
Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta dowlada ee qeybta ka ahaa Munaasabada ayaa mahad celin u jeediyay dowlada Djibouti.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

