27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Labo caqabad oo hortaagan nabbad ka dhalata magaalada Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo welli magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan wadahadalada nabadeed ee magaalada ayaa maamulka Puntland wuxuu sheegay caqabadaha hortaagan nabadda magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cameey oo saxaafada kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in caqabada koowaad tahay in siyaasiyiinta aysan horboodin nabadeynta magaalada.

Odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in loo baahan yahay in helaan door muhiim ah oo ay nabbada kaga qeyb qaadan karaan, isagoo soo jeediyay in siyaasiyiinta ay gaaraan xalka ugu dambeeyo.

“Caqabada koowaad waxay tahay waa in ganacsatada, maatida, odayaasha iyo culumaa’udiinka la siiyaa fursad ay nabbada ku keenayaan , ma haboona in qaab siyaasad ah loo wajaho, waa in siyaasiyiinta ugu dambeeyaan xalka”ayuu yiri Cameey.

Caqabada labaad ayuu ku sheegay in nabadda magaalada Gaalkacyo aysan habooneyn in loo aado magaalo kale oo uu kala jeedo magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayaa waxgaradka magaalada ee kasoo jeeda Puntland waxay sheegeen ineysan habooneyn in magaalada Kismaayo loo tago arimaha Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News