Fadeexad: Faarax C/Qaadir oo wax lala yaabo ka sameeyey Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii socda la-ayaabka laga soo diiwaan gelinayo doorashooyinka 2016, gaar ahaan Aqalka hoose.

La-yaabka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahaa in musharax Faarax Sheekh C/qaadir uu la soo shir tegay laba musharax oo uu isagu soo qortay, midkoodna ahaa wiil uu adeer u yahay, kuwaasoo sidii loogu talogalay u jilay doorashadii riwaayadda ahayd.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah saaxiibka weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh, loona aaneeyo dhibaatadii dowladda Xasan Sheekh ee 4 sano oo ay xilka hayeen ayaa dib ugu soo laabtay Baarlamaanka qaabkan.

 Faarax Sheekh C/qaadir iyo wiilka uu adeerka u yahay

Faarax Sheekh C/qaadir iyo wiilka uu adeerka u yahay

Musharixiinta uu soo qortay Faarax waxay kala ahaayeen:

1- Cusmaan Axmed Maxamed
2- Ilyaas Maxamed C/kariin

Doorashadii Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa inteeda badan isu bedeshay masraxiyad lala yaabo oo ka liidato doorashadii sanadkii 2012, halkii la filayay inay wanaagsanaato.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com