31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Fadeexad: Faarax C/Qaadir oo wax lala yaabo ka sameeyey Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii socda la-ayaabka laga soo diiwaan gelinayo doorashooyinka 2016, gaar ahaan Aqalka hoose.

La-yaabka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahaa in musharax Faarax Sheekh C/qaadir uu la soo shir tegay laba musharax oo uu isagu soo qortay, midkoodna ahaa wiil uu adeer u yahay, kuwaasoo sidii loogu talogalay u jilay doorashadii riwaayadda ahayd.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah saaxiibka weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh, loona aaneeyo dhibaatadii dowladda Xasan Sheekh ee 4 sano oo ay xilka hayeen ayaa dib ugu soo laabtay Baarlamaanka qaabkan.

 Faarax Sheekh C/qaadir iyo wiilka uu adeerka u yahay

Faarax Sheekh C/qaadir iyo wiilka uu adeerka u yahay

Musharixiinta uu soo qortay Faarax waxay kala ahaayeen:

1- Cusmaan Axmed Maxamed
2- Ilyaas Maxamed C/kariin

Doorashadii Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa inteeda badan isu bedeshay masraxiyad lala yaabo oo ka liidato doorashadii sanadkii 2012, halkii la filayay inay wanaagsanaato.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News