Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlado dhowr ah ay ku dhawaaqen inay ka baxeen maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ICC, ayaa waxaa dowladaha go’aankaasi qaatay qeyb ka noqday Dowlada Ruushka.
Madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin ayaa sheegay in Dowladiisa ay ka baxeyso Maxkamada ICC.
Vladimir Putin, ayaa qalinka ku duugay xeer Ruushka u saamaxaya inuu ka baxo Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ICC.
Vladimir Putin, waxa uu sheegay in Maxkamada ay shalay ku galeen Heshiis, haddana ay uga baxayaan Heshiis lamid ah kii hore.
Vladimir Putin, waxa uu sheegay in Dowladiisa ay ka go’an tahay inay faarujiso booskii ay kaga jirtay Maxkamada, waxa uuna qariyay sababta ay uga baxayaan Maxkamada.
Maxkamada ayaa ku dhisan sharci qodobeysan oo u saamaxaaya inay qaado Dacwadaha qaar, waxaana kamid ah Dacwada la xiriira Dambiyada lidiga ku ah bani’aadminimada, Dambiyada duullaanka, dambiyada dagaalka, Xasuuq iyo Dambiyo kale.
Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ICC, ayaa waxaa todobaadkii tagay ka baxay ilaa iyo lab dowladood, halka labada kalane ay ku goodiyeen inay ka baxayaan Maxkamada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

