31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Galmudug oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leedahay Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug saacadihii ugu danbeeyay laga maqlaayay rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen ciidamada Galmudug iyo Puntland oo isku horfadhiya Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta ayaa waxaa barbar soctay Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in weerar culus lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Galmudug ayaa weeraray Saldhigga Miir ee xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo xiliga uu weerarka dhacaayay ay ku sugnaayen Ciidamo howlgal u socday oo Puntland taabacsan.

Weerarka ayaa la sheegayaa inay geysteen Ciidamo ka tirsan Galmudug kuwaasi oo la socday gaari nooca raaxada ah, iyagoo weerarka kadib ka baxsaday halka uu weerarka ka dhacay.

Weerark ayaa intiisa badan geystay Khasaaro u badan dhaawac oo soo gaaray ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa Saldhiga la weeraray iyo dad shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.

Gaariga weerarka geystay ayaa kasoo baqoolay dhanka Galmudug, waxaana la socday 6 Askari oo taabacsan Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerarka, waxa ayna tilmaameen in weerarkaani uu jabinaayo Heshiiskii ugu danbeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News