29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo laba qorshe ka damacsan guusha Sambaloolshe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud uu dadaal dheeri ah ku bixinaayo sida ay ku guuleysan lahaayen Musharaxiinta saaxiibada dhow la ah ee dooneysa inay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub.

Xildhibaanada guuleystay ee uu watay Xassan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed C/laahi Sanbaloolshe oo horay u ahaan jiray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia iminkana ah Safiirka Somalia u fadhiya dalka Turkiga.

Ilo ku dhow dhow Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu laba arrin ka damacsan yahay Guusha uu Sambaloolshe ka gaaray doorashada Jowhar ee Aqalka Hoose BFS.

Qorshooyinka Xassan Sheekh uu ka leeyahay Maxamed C/laahi Sanbaloolshe ayaa waxaa kamid ah

1-In Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya dhanka Hiiraan uu usoo weeciyo dhanka Xassan Sheekh.

2-In Xassan Sheekh uu Sambaloolshe u adeegsado isku xirka isaga iyo Turkiga maadaama ay hoosta ka soo gashay xiliga lagu balamay doorashada.

Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay si xooli ah uga dhex shaqeynaayay Xassan iyo Tukiga oo kaalin wanaagsan ka dheeleysa dib usoo laabashadiisa.

Madaxweyne oo maslaxad gaara u arko Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu bixiyay dhaqaalaha uu Sambaloolshe ku iibsaday Kursiga.

Qorshaha ugu weyn ee Madaxweyne Xassan ayaa ah kasbashada Xildhibaanada cusub si mudada 4 sano ee nagu soo aadan uu usii hogaamiyo dalka.

Sidoo kale, Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, ayaa inta ka harsan doorashada Madaxtinimo kusii nagaan doona magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne si halkaasi uu uga baadi-goobo Xildhibaanadii codka ka iibsan lahaa Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, ayaa iminka lagu biiriyay Guddiga Madaxweyne Xassan u qaabilsan ololaha doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News