Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ka bilowday Doorashada xubnaha Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Galmudug.
Doorashada ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi, waxaana ku guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud, kadib markii ay tanaasuleen Labadii Musharax ee uu la tartamaayay.
Goobjoogayaashu waxa ay sheegen in C/qaadir Gaafow Maxamuud uu helay 48 cod oo gacan taag ah, waxaana sidaa kusoo baxay Xildhibaankaani cusub.
C/qaadir Gaafow waxa ay wada dhasheen Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/laahi Gaafow Maxamuud.
Soo bixitaanka C/qaadir Gaafow dartii ayaa waxa ay magaalada Cadaado u qasneyd muddo Afar maalin oo aan la qaban doorashada Kuraasta Musharaxiinta Beesha Murusade ay ku loolamayeen, sababo la xiriira Ciidamada Gaafow oo carqaladeeyay Hoolka, kadib markii walaalkii shaki laga galiyay Kursiga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo Guddiga ayaa sheegay in halka Kursi ee maanta la dooranaayay uu ku guuleystay C/qaadir Gaafow.
Docda kale, Ergada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.


