28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xaflad aroos oo ay ku sugnaayen mas’uuliyiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Baqdaad kadib markii ruux naftii halige ah uu isku miidaamiyay goob ay ka soctay mashxarad aroos.

Weerarkaani ismiidaaminta ah ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiisha amniga dalka Ciraaq oo sheegay in weerarka uu fuliyay ruux dhalinyaro ah.

Weerarka ayaa dhacay xili goobta Arooska ay ka soctay mashxarada, waxaana halkaasi ku sugnaa inkabadan 70 ruux oo dumar u badnaa kuwaasi oo xiliga arooska ku mashquulsanaa daawashada xaflada arooska.

Weerarka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 19 ruux, halka dhaawaca uu gaaray 27 ruux oo u badnaa Haween iyo Carruur.

Xafladda arooska oo ka socotay galbeedka Baqdaad waxaa ka qeybgalay xubno dowladda ka mid ah oo dagaal kula jira ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa waxaa sheegtay maleeshiyaadka Daacish oo ku faanay in weerarka ay ku dileen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Xaasaskood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News