28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxaa kala heysta shacabka Kenya iyo dowladda Uhurro Kenyatta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka kasoo jeeda dalka Kenya ayaa Dowladooda ka dalbaday in Ciidamadooda laga soo saaro Somalia.

Dadka dalbaday in Ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia ayaa waxaa lagu qiimeeyay 70%, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo dhalay Askarta, kuwo ay la dhasheen iyo kuwo ay u dhaxaan.

Dadka Kenyanka ah ayaa Dowladooda ku eedeeyay inay ka gaabisay kaalintii laga filaayay, waxa ayna dalbadeen in carruurtooda laga soo saaro Somalia.

Shacabku waxa ay Dowlada ku canaanteen inaanu dhaqaale uga baxeynin soo saarida Ciidamada, waxa ayna ku baaqen in ciidamada laga soo saaro xuduuda.

Warbixin ay baahisay Hay’adda Twaweza East Africa, ayaa lagu ogaaday in kaliya 2% dadka Kenya ay aaminsan yihiin in ciidamada oo laga soo saaro Soomaaliya ay yareyn doonto xagjirnimada ka dhex jirta bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Dowlada Kenya ayaa ka caga jiideysa in ciidamadeeda ay kala baxdo Somalia, waxa ayna u aragtaa sii joogitaankooda guul usoo hoyatay Kenya.

Dowlada Kenya wali kama aysan hadal dalabka dadka shacabka kasoo yeeray ee ku aadan in ciidamadooda laga soo saaro Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News