Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Cabdulle Maxamed ”Cumar Dhegey”, ayaa qeyla dhaan ka muujiyay cabasho kasoo yeertay qaar kamid ah Musharaxiinta kuwaasi oo sheegay inaan la dhoorin xuquuqdooda.
Cumar Dhegey, waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in lagu tagri falo xuquuqda musharaxiinta, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan Guddi iyo Hay’addo ka shaqeeya ilaalinta iyo ku xad gudubyada Musharaxiinta iyo dadka ka qeyb galaya Doorashooyinka.
Cumar Dhegey waxa uu Guddiyada iyo Hay’adahaasi kor ku xusan ku wargaliyay inay la shaqeeyan Musharaxiinta cabanaaya, waxa uuna ka digay in laga gaabiyo wax ka qabashada cabashooyinka jira.
Guddoomiye Cumar, waxa uu intaa ku daray in Guddiyada iyo Hay’adahaasi ay kula xisaabtami doonaan waxa ay ka qabteen cabashada.
Musharaxiinta ayuu sheegay inay leeyihiin xuquuq dhameystiran, isla markaana aysan jirin cid ku xadgudbikarta xuquuqdooda.
Dhinaca kale, Cumar Dhagey waxa uu ballanqaaday inay waxbadan ka bedeli doonaan cabashada ay qabaan Musharaxiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

