Nairobi (Caasimada Online) – Qaraxaani oo ka dhashay Booyad Shidaal oo ay laheyd shirkad laga leeyahay dalka Mozambique, ayaa waxaa ku dhintay 72 ruux oo shacab ah.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad tiradooda lagu sheegay 114 qof kuwaasi oo ka agdhawaa goobta ay ku qaraxday Booyada.
Sargaal u hadlay Dowlada Mozambique, ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jireen dad shidaal ka shubanayay booyadda markii ay qarxeysay.
Sargaalkaani waxa uu intaa ku daray in dadka qaar ay ku la’ yihiin nolol iyo geeri, balse ay wadaan baaritaano dheer oo lagu xaqiijinaayo waxa sababay in Booyada ay Qaraxdo.


