26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Doorashadii Jowhar oo la hakiyey iyo Damu-Jadiid iyo Xasan oo qorshe yaab leh wada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa waxaa lagu hakiyay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamulka Hiirshabelle.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Aqalka Hoose ee Hiirshabelle ay hakat ahaan doonto ilaa amar danbe, waxa uuna Guddigu sheegay in Hakatkaasi uu daba socdo qalalaasihii xalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay in bilaabida Doorashada ay ku xiran tahay sida xal looga gaaro qalalaasaha ka dhacay Magaalada Jowhar.

Hakinta Doorashada ayaa waxaa sabab u ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportska Xukuumada Somalia Nuux oo habeenimadii xalay rasaas ooda uga qaaday ergadii ku sugneyd Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay dalbadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damu-jadiid, si taageero loogu soo raadiyo wasiirka, loona kala dilo xubnaha taageeraya musharaxa kale.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in laga yaabo in la beddelo ergada lana keeno ergo cusub oo raacsan Damu-Jadiid.

Dhinaca kale, Guddigu ma uusan Sheegin xiliga dib loo bilaabi doono Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News