25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xog + Sawirro: Duulaan siyaasadeedka Damu-Jadiid oo Muqdisho ka billowday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda ololp xoogan oo ay wadaan Xildhibaanada Cusub ee ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia.

Xildhibaanadaani oo uu wato Xassan Sheekh ayaa durba dhexgal ku sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Gobolada dalka ee iminka kusoo laabtay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaani cusub ee uu wato Xassan Sheekh ayaa Xildhibaanada kale ee la doonaayo in loo soo gacangaliyo Xassan Sheekh ka ugaarsada Hoteelada Makka Al-mukarama, Hayat, Al-jazeera iyo Hoteelo kale, halka qaarna lagu qaabilo Villa Somalia.

Xildhibaanada wada ololaha ayaa badankooda waxaa dhaqaalaha ka bixiyay Madaxweyne Xassan oo ay kawada tirsan yihiin Hal guruub.

Xildhibaanada aan sawiradooda kusoo bandhignay Halkaani ayaa waxaa banaanka ka ah Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo isagu saaxiib la ah Damul-Jadiidka balse waxa uu dhaqan ahaan aaminsan yahay in loo bato dhanka ay xigto lacagta.

Tirada kale ee soo hartay ayaa ku daba feelan Madaxweyne Xassan waxa ayna yoomi qaatan lacago aad u culus oo lagu indha sarcaadinaayo Xildhibaanada kale.

Xildhibaanada wadahadalka lala furay ayaa waxaa ku jira kuwo u janjeera dhanka Musharaxiinta kale, balse waxa ay garabka Xassan Sheekh isku dayayaan inay u adeegsadaan lacag.

damuljadiidCaasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News