Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamo aad u farabadan oo ah kuwa dowaldda Somalia ayaa jaray dhamaan waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa Degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Ciidamadaani ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihiin Militeriga dowlada, waxa ayna ka careysan yihiin in haweeney u matasho xubinta Beeshooda ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Ciidamadaani oo wata ku dhawaad 7 gaari nooca dagaalka ah, ayaa kasoo baxay fariisimooyin ay ku lahaayen Degmadda Mahadaay, waxa ayna diiden in lagalo magaalada ama laga soo baxo.
Waxa ay sidoo kale, fariisimo ka sameysteen Labada Jid ee soo gala magaalladda Jowhar.
Ciidamadaani oo isku heeb ah ayaa kasoo jeeda mid kamid ah Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe, waxa ayna ku doodayaan in aysan raali uga aheyn Haweeneyda dooneysa inay kamid noqoto BFS.
Ciidamadaani ayaa kasoo jeeda Jufada Harti-Abgaal waxaana arrintooda iminka ku howlan Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo Odayaasha Dhaqanka ee Jufada Harti-abgaal.
Dhinaca kale, Ciidamadaani ayaa qalqal amni galiyay magaalada Jowhar mana jirto cid ka hadashay falka ay ku dhaqaaqeen.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]