26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Keating oo si cajiib ah is barbar dhig ugu sameeyay maamulada iyo doorashooyinkooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee BFS.

Micheal Keating, waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda Caasimadaha Gobolada dalka lagu doortay tirooyin aad u yar, waxa uuna sheegay inuu jiro gaabis.

Ergayga waxa uu tilmaamay in maamulada qaar ay si wacan u wadaan Doorashada Aqalka Hoose, balse ay jiraan maamulo dhowr ah oo aan wali Doorashada marin dhabihii loogu tallo galay.

Maamulada qaar ayuu si dadban u sheegay inay u muuqdaan kuwo ku fashilmay Doorashada Aqalka Hoose, balse waxa uu u jeediyay bogaadin maadaama ay dadaal muujinayaan.

Maamulada qaarkood ayuu sheegay inay qaab fiican u wadaan Doorashada, waxa uuna meesha ka saaray inay wadaan khilaaf kala geynkara Ergooyinka iyo Musharaxiinta.

Ergayga waxa uu sheegay in QM ay u taagan tahay fududeynta howlaha Doorashooyinka, balse Maamulada looga baahan yahay inay la imaadaan dadaal wax ku’ool ah.

Amaanka Goobaha Doorashooyinka ayuu sheegay inay aad u wanaagsan yihiin waxa uuna arrin lagu farxo ku tilmaamay sida ay uwada shaqeynayaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

Mr Micheal Keating, waxa uu Hogaamiyayaasha maamulada ku dhiiragaliyay in si hufan ay u gutaan howlahooda, waxa uuna ku amaanay qaabka ay howsha u wadaan.

Haddalka iyo bogaadinta Micheal Keating, ayaa imaaneysa iyadoo inta badan maamulada dalka ay soo gunaanudeen doorashada Aqalka Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News