29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Axmed Madoobe: Musharax waliba oo codsi iila imaada laga yaabo inaan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan kulamo kala duwan la qaatay tirro Musharaxiin u taagan qabashada Madaxtinimada dalka ayaa sheegay in Xildhibaanada Jubbaland aysan codka siin doonin Musharax waliba.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Musharax waliba uu yahay mid haminaaya inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay inay adag tahay in Jubbaland ay taageerto Musharax waliba.

Madoobe waxa uu intaa raaciyay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso cida ay codkeeda siin doonto, waxa uuna shaki galiyay inay taageeri doonaan Musharaxiinta uu la kulmay.

”Haddii Jubbaland ay codka siineyso Musharax waxa ay siin doontaa mid lagu kalsoon yahay, musharax waliba oo aan la kulmaa micnuhu maaha inaan codka siin doono”

”Xildhibaanada Jubbaland ee qeybta ka ah BFS kuma degdegi doonaan codeynta cida ay u codeyn doonaan dabcan wey garanayaan”

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Musharax waliba ay niyada u dhisi doonaan, balse markii leysugu yimaado codka aysan ku degdegi doonin.

Haddalka Axmed Madoobe waxa uu imaanayaa iyadoo Dowlada Imaaraadka ay Maamulada dalka ku cadaadineyso inay doortaan Cumar C/rashiid ama Shariif Xassan Sheekh Aadan.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News