Jowhar(Caasimada Online)- Kadib markii shaqaaqo ay ka dhacday doorashadii kursiga beelaha Gugundhabe ee magaalada Jowhar ayaa waxaa socday dadaalo lagu xalinayo shaqaaqadaasi oo ay sameynayeen madaxda dowlada.
Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la sheegayaa inuu la wareegay baaritaanka kiiska habeenkii Jimcaha ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeele.
Wasiir Nuux ayaa ka dambeeyay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jowhar kadib markii uu ka carooday codeynta wareega koowaad ee doorashada oo laga dhibco sareeyay.
Shalay waxaa magaalada Jowhar gaaray wafdi uu hogaaminayay taliyaha nabad sugida iyo taliyaha booliska, waxaana sidoo kale tagay magaalada ergayga QM ee Soomaaliya Micheal Keating.
“Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Ku xigeenadiisa oo arintaasi Baaritaanadooda u soo baxay iyaga oo kaashanaya Booliska, waxaan ka sugeynaa natiijada ka soo baxday Baaritaanka, taasi oo noqon doonta mida aan go’aan ku qaadano.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban. Cumar Dhageey.
Kiiskaan ayaa laga doonayaa in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo, waxaana laga shaki qabaa in musharax Nuux loo diido inuu markale tartamo
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

