24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Documents + Xog: Ceebta Odowaa iyo Boorsaani iyo hanjabaadii Xaawo Kiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiya Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Boorsaani ayaa waxa uu warqad soo saaray 16-ka bishan, taasi oo xilka loog qaadayo Guddoomiyiha Degmada Waabari Xaawa Kiin Maxmuud Cali oo ahayd Murashaxad Aqalka hoose ee xildhibaanada Galmudug.

Isla maalintaasi ayaa wax la sheegay in wareegta ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha lagu aqbalay soo jeedinta Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, oo ahayd in Xilka laga qaado Xaawa Kiin loona magacaabo ninka lagu magacaabo Xuseen Axmed Culusow, ayada oo la dhaqan galinyo go’aankaasi marka uu saxiixo wasiirka arimaha Gudaha, mudane C/raxmaan Oduwaa.

Balse arrinta la yaabka leh ayaa waxa ay noqotay in wareegtada la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska Wasiirka aysan wadan saxiixiisa, balse ay wadato shabad, taasi oo sharci ahaan meesha ka saareysa dhaqan galka wareegtadaan. Waxaa kale oo yaab leh, warqad la lee yahay wasiir ayey kasoo baxday, haddana la leeyahay marka uu saxiixo.

Sidoo kale wareegtadan ayaa waxa ay si toos ah ugu horimaaneysaa wareegata uu soo saaray Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federalka Xasan Sheekh bishii September oo aynu soo dhaafnay, taasi oo si toos ah u amreysay in aan xilna la qaadi karin lana magacaabi karin tan iyo inta laga dhisayo xukuumad cusub oo badasha midda haatan xilka sii heysa.

Xawaa-kiin, ayaa maalmo kadib haddana loo geeyay wareegta kale oo wadata saxiixa Wasiir Odoawaa, taasi oo muujineysa jahawareerka heysta kooxdan isku baheystaay sidii cid aysan wadin ugu saari lahaayeen siyaasadda cusub ee dalka.

Maxaa keenay in Xaawo xilka laga qaado?

Xaawa- Kiin Maxamduu Cali, oo ah Gudoomiyaha Degmada Waabari ayaa waxa ay qayb ka ahayd Mas’uuliin xilal kala duwan ka haya nidaamka hadda jira, kuwaasi oo mid kasta oo ka mid ahi uu qabtay Gobalka uu ka soo jeeedo, si uu ugu helo kursi labada Aqal oo ay yeelaneyso Somalia ,oo ay doorashooyinkooda ka socdaan Gobalada dalka qaarkood.

Xaawa waxa ay ka mid ahayd Murashaxiinta ay kuroostooda taalo Magalada Cadaado, caasimadda KMG ee maamulka Galmudug, hase yeeshee Xaawa ayaa la sheegay in ay la tartameysay Murashaxiin taageera ka helaya Damu-Jadiid, kuwaasi oo markii ay dareemeen cabsi ay ka qabaan Xaawo Kiin cadaadis saaray saxibadood si ay Mogadishu ugu soo celiyaan.

Inta aysan tagin Cadaado, ayuu Godoomiya Gobalka Banaadir Yuusuf Boorsaani waxa uu u sheegay Xaawo inaysan is sharxin. Mark ay waydiisay sababta uu saas u leeyahay waxa uu u sheegay inay talo un ka tahay, balse markii ay diiday ayuu Boorsaani waxa uu Xaawo Kiin kula hadlay isaga oo u sheegay inay si deg deg ah Muqdisho ugu soo laabato, taasi oo ay diiday.

Xaawo Kiin ayaa Boorsaani u sheegtay inay xaq u leedahay in ay tartanto, ayna ka duwaneyn masu’uuliinta kale ee murashaxiinta ah ee jooga dhamaan Gobalada ay doorashooyinka ka socdaan.

Doorashada Xaawa Kiin oo ay u tartami lahayd markii ay ka dhiman tahay laba maalin ayaa waxa amar lagu siiyay muddo 48 saac ah in ay ku soo laaabto ama ay waayi doonta xilkeeda, taasi ayaa sidoo kale markii ay diiday codsiaan, keentay in la qoro warqadii xilka looga qaaday.

Markii hanjabaadda xil qaadis wax looga qaadi waayey ayaa Xaawa loo diiday maalintii ay lahayd tartanka in aygasho Hoolka doorashada, ayada oo lagu qasbay in ay dib u laabato.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ahayd in gudiga doorashada markii uu ku dhawaaqay natiijada oo uu sheegay in Xaawa laga guuleystay ayna heshay hal cod, taasi oo ku noqatay cid kasta oo la socotay doorashada kursigaasii wax lala yaabo, maadaama aysanba gelin doorasho.

Hoos ka aqriso wareegtooyinka is-daba jooga ah ee Xaawo loogu hanjabay.

img_543620161120_164000

- Advertisement -

Read more

Local News