28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog: Maxaa kala socotaa qorshaha laga damacsan yahay hakinta doorashada Aqalka Hoose?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan hakinta Doorashooyinka Aqalka Hoose ee BFS kaasi oo ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wararku waxa ay sheegayan in Hakinta Doorashada ay tahay mid lagu dheereysanayo wakhtiga Doorashada Madaxtinimo ee Somalia.

Qorshaha lagu hakiyay Doorashada Aqalka Hoose ayaa la tilmaamayaa inay ka danbeysay Madaxtooyada Somalia, xili Odayaasha iyo Waxgaradka Jowhar ay xaliyeen Khilaafka israsaaseynta dhalisay.

Nabadoon Cabdi Maxamuud oo kamid ah Nabadoonada Jowhar, ayaa sheegay inaysan garankarin sababta loo hakiyay Doorashada waxa uuna sheegay in dhowr saac kadib Israsaaseynta dhacday ay xaliyeen Khilaafka Wasiirka Dhalinyarada iyo Sports-ka iyo Musharaxiin kale.

Nabadoon Cabdi oo arrintaani ka hadlaayay ayaa yiri ”Ma jiro khilaaf hadda muuqda oo u dhexeeya Wasiirka iyo Musharaxii codadka kaga badnaa, waxaan dhaliilsanahay faragalinta Dowlada waayo Khilaafka anaga ayaa xalinay waxaan fahmi la’nahay sababta loo hakiyay doorasgada”

Waxa uu intaa raaciyay ”Hakinta Doorashada waxaa laga leeyahay dano Siyaasadeed, waxaa la doonayaa in lagu dheereysto xiliga Doorashada Madaxweyninimo, waayo Khilaaf ay odayaasha xaliyeen ayay dowladu dib usoo fageysaa”

Nabadoon Cabdi waxa uu sheegay in Hakinta Doorashada Aqalka Hoose ay tahay mid ay ka danbeysay Madaxtooyada waxa uuna tibaaxay in laga leeyahay dano gaar ah, isla markaana qorshahaasi uu yahay mid uu wato Xassan Sheekh.

Sidoo kale, waxaa Hakat la galiyay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland, halka Doorashada Baydhab ay tahay mid uu muran hareereeyay isla markaana qudheeda la hakiyay.

Geesta kale, Doorashada Madaxweyninimo ee Somalia, ayaa waxaa ka harsan maalmo qura waxaana suuragal aheyn in maalmaha harsan lagu qabto Doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News