30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

DOCUMENT: Mareykanka oo dharka ka dhigay Gen. Gaafow iyo Mahad Salaad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii toddobaad ee tagay ayaa Caasimada Online waxay werineysay musuq maasuqa hareeyey doorashad Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

Waxaan shaaca ka qaadnay sida xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kooxda Damu-Jadiid ay ugu awood sheeganayaan musharaxiinta kale, sidaasna si caddaalad darro ah loogu doortay xildhibaano badan.

Caasimada Online ayaa caawa si gaar ah u heshay warqad safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz uu u diray madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo guddiga doorashada Galmudug, oo ku taariikheysan 18-ka November 2016.

Safiirka Mareykanka waxa uu sheegay inaan la aqbali karin musuq maasuqa iyo awood sheegashada ay wadaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mahad Salaad iyo Jeneraal Gaafow
Mahad Salaad iyo Jeneraal Gaafow

Waxaa warqadda si gaar ah loogu magacaabay taliyaha nabad-sugidda qaranka Jeneral Gaafow iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Salaad, oo awood u adeegsaday inay dad ay wataan xildhibaano ka dhigaan ama ayaga ay noqdaan.

Safiirka oo ka hadlaya Gaafow waxa uu yiri: “Waxaa jira warbixino badan oo la isku haleyn kara oo sheegaya in taliyaha NISA Gaafow uu ciidamadiisa geeyey goobta doorashada iyo goobaha ergada ay degan yihiin si uu dadka u cabsi geliyo. Waxaan ognahay in Gaafow uu u hanjabay musharaxiinta kale, islamarkaana ciidamadiisa ay xireen oday Xasan Madoobe (Suldaanka beesha Foor-Culus ee Murusade) iyo musharax Maxmaed Maxamuud Guure, ayna jir dileen Guure. Faro-gelinta Gaafow ee doorashada ayaa ahayd inuu uga faa’iideeyo walaalkiis Cabdulqaadir Gaafow oo musharax ahaa. In hantida dadweynaha loo adeegsado sidan oo kale waa mid qaribeysaa hanaanka doorasho iyo maamulkaada”.

Waxaa xusid mudan in Caasimada Online ay ahayd warbaahintii ugu horreysay ee baahisay awood sheegashada uu Gaafow ka waday Cadaado.

Safiirka oo ka hadlaya xadgudubyada Mahad Salaad waxa uu yiri “Waxaan ognahay in Mahad Salaad uu ergadii sharciga ahayd ee doorashada ee beesha Cayr ku beddelay qaraabadiisa, shaqaalihiisa iyo ilaaldiisa. Waxaana jirta in haweeney la tartameysay Mahad loo diiday inay gasho xarunta doorashada”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu cabasho ka helay ugaaska beesha Saleebaan, taasi oo ku saabsan in la diidan yahay inuu kursi ka mid ah kuraasta beesha u qoondeeyey haweenka.

Stephen Schwartz ayaa dhinaca kale walaac ka muujiyey in Ahlu-Sunna Waljamaaca laga reebay aqalka sare iyo kan hoose, taasina ay xasilooni darro ku abuureyso gobolka.

Hoos ka aqri warqadda safiirka ee ay heshay Caasimada Online.

image-0-02-05-695e340c564b97a3515eb2796878afb77771b19b9b3c7ffb1288d8da3c61b3cd-v-1image-0-02-05-cea540482f3ce488c0c17e8a0796d2266633aa44c472be937185ecb485422825-v-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News