Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaweeyay bayaankii wadajirka ahaa ee kasoo baxay wasiirada arrimaha dibadda 14 dal oo ka mid ah dalalka Islaamka, kuwaasi oo si adag uga horyimid qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay safaarad kaga furato magaalada Qudus, si ay u xoojiso xiriirkeeda Israa’iil.
Dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin tallaabooyinka gurracan ee labada dhinac, waxayna soo dhaweysay go’aanka ay gaareen wasiirrada carbeed oo si xooggan u cambaareeyay tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee ay qaaday xukuumadda Hargeysa.
“Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa adkeynta cad ee Wasiirradu ku muujiyeen taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale diidmadooda aan mugdi ku jirin ee tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada dhulka Soomaaliya ama ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Boqortooyada Hashimiyiinta ee Urdun, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Jabuuti, Dowladda Falastiin, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Yemen, Jamhuuriyadda Lubnaan iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, kaas oo si adag loogu cambaareeyay tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee ay qaaday Waqooyi galbeed ee ku saabsan furitaanka wax loogu yeeray safaarad ku taalla magaalada Qudus ee la haysto.
Bayaanku ayeey Dowladaha mar kale ku xaqiijiyeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay si cad ugu xadgudbayaan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada khuseeya ee caalamiga ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayaan xaaladda sharci iyo mida taariikheed ee magaalada Qudus ee la haysto.
Wasiirradu waxay sidoo kale ku celiyeen diidmadooda buuxda ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu doonayo in sharciyad lagu siiyo qorshayaal iyo heshiisyo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, isla markaana tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladdiisa sharci iyo taariikheed ay tahay waxba kama jiraan oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa adkeynta cad ee Wasiirradu ku muujiyeen taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale diidmadooda aan mugdi ku jirin ee tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada dhulka Soomaaliya ama ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda.


