Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteenMuqdisho ayaa ka hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan maamul-goboleedyada dalka ee uu waqtigoodu dhammaaday.
Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu awood ku maquuninayo madaxda dowlad-goboleedyada, si uu meesha uga saaro, kadibna iskuugu ballaariyo si sharci darro ah.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa tusaale usoo qaatay wixii ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo sheegay in hadda arrintu ku socoto Galmudug, maadaama ay kasoo cusboonaadeen xiisado siyaasadeed oo horleh.
“Xasan sheekh Maamul-goboleedyadii markuu sharci daro ku haayay dhowr sano kadib ayuu leeyahay mid kasta meesha ka tag ama xabad aan kuu qaadanaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waad ogtihiin waxa ka dhacay Baydhabo, Galmudug hadda waxa ka socda waad ogtihiin HirShabelle waxa ka socdo waad ogthiin wax cad waayay”.
Dhinaca kale, waxa uu digniin u diray ciidamada qalabka sida oo uu ku eedeeyay in loo adeegsanayo siyaasad iyo in lagu gaar dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidankii la rabay inay amni sugaan ma sugaanee waxay ka shaqeeyaan in dadka lagu caburiyo, gaar ahaan siyaasiyiinta,” ayuu markale yiri Shariif.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxtooyada Soomaaliya ay haatan go’aansatay in musharaxeeda hoggaanka Galmudug uu noqdo siyaasi Liibaan Axmed Xasan (Shuluq). Sida ay ogaatay Caasimada Online, xaflad lagu shaacinayo taageerada Liibaan ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u sii kacayaan loollanka iyo is-xulafeysiga siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka maamul-goboleedka Galmudug, iyadoo dhinacyada siyaasadda gobolka ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo lagu xoojinayo saameyntooda siyaasadeed.

