26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxaa kusoo kordhay dabinta uu safiirka Imaaraadka u maleegayo Xasan Sheekh?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan Doorashooyinka Somalia iyo Faragalinta ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku heyso hanaanka doorasho ee dalka.

Faragalinta ugu badan ayaa waxaa Doorashada dalka ku haya Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Sheekh Maxamed Cismaan Alxamaada oo hadda ku sugan magaalada Nairobi.

Safiirka qudhiisa ayaa faragalintaasi u adeegsanaaya Xubno Siyaasiyiin ah kuwaasi oo isugu jira Hogaamiye Goboleedyo iyo Siyaasiyiin kale.

Safiirka waxa uu hadda bilaabay in Musharaxiinta uu ku cadaadiyo inay u tanaasulaan Cumar C/rashiid oo ah shaqsiga koowaad oo ay imaaraadka wadato.

Safiirka gudaha Asbuucaani waxa uu dhismaha Safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Nairobi kula kulmay 6 Musharax oo laba kamid ah ay iyada wadato.

Kulanka Safiirka iyo 6 Musharax ayaa ahaa mid lagu dalbanaayo tanaasulka Musharaxiinta qaar, waxaana soo baxaaya in qaarkood ay soo dhaweeyen, halka qaarna ay Safiirka Imaaraadka ka dalbadeen in la siiyo muddo 2 asbuuc ah si ay go’aan uga soo gaaran.

Qorshaha ugu weyn Dowlada Imaaraadka ee Musharaxiinta ayaa ah in laga takhluusiyo dhammaan Musharaxiinta kale oo Dooraashada Somalia ay isugu soo haraan Xassan Sheekh, Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka waxa uu 6-da Musharaxiin u sheegay in Xasan Sheekh uu wato ilaa 2 Siyaasi oo Musharaxiin ah kuwaasi oo la doonaayo in wareega labaad ay u tanaasulaan, waaba haddii intaa leysla gaaro.

Safiirka Imaaraadka ee Somalia waxa uu Musharaxiinta 6-da ah ka hor cadeeyay inay ka takhlusinayaan Labada Musharax ee uu wato Xasan Sheekh si loogala dagaalamo dhinac waliba.

Si kastaba ha ahaatee, Safiirka ayaa la tilmaamay inuu fursad siiyay Musharaxiinta laga dalbaday inay tanaasulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News