Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeeleha Dhexe ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ka dhaceyso mid kamid ah doorashooyinka aqalka hoosee ugu adag.
Doorashada maanta ayaa waxaa ku tartamaya Wasiiru dowlaha maaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur Ex Xildhibaan Bashiir Caddow Calasow.
Waa mid kamid ah doorashada kursiga ugu adag ee lagu qabtaa magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeele.
Doorashada sanadkaan oo musuq badan uu hareerayay, ayaa waxaa laba baqayaa in doorashada maanta noqotaa mid la musuq maasuqo.
Sidoo kale waxaa Jowhar ka dhacaya doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee kasoo jeeda deegaanada HirShabeele.
Hoolka shirka ayaa waxaa amaanka adkeynaya ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Burundi, waxaana laga feejigan yahay in qalalaaso ka dhacdaa doorashada sidii horey u dhacday.
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeelle
Caasimada@live.com