Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay la socdeen rakaab Soomaali ah ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee dalka Kenya, waxaana shilkaasi uu sababay burbur soo gaaray garoonka diyaaradaha.
Madaxda dowlada Kenya gaar ahaan masuuliyiinta garoonka ayaa saacado kooban hakad geliyay dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee Kenya, kadib markii shilkaasi uu ka dhacay Jomo Kenyatta Airport.
War-saxafaadeed ay soo saareen madaxda garoonka ayaa lagu sheegay in shilka uu saameeyay muddo kooban dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha, waxaana muddo saacado ah si KMG ah loo hakiyay howsha garoonka ka socotay.
Diyaarada oo laga leeyahay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu gudoomiyaha garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta uu sheegay in shil u geysatay garoonka balse uusan badneyn, sida uu wariyaasha u sheegay.
Rakaabkii saarnaa diyaarada oo Soomaali u badnaa waxyeelo masoo gaarin sida uu sheegay gudoomiyaha Garoonka.
Diyaaradihii kasoo degi jiray garoonka ayaa xalay loo weeciyay Garoonka Magaalada Mombasa iyo garoomo kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]