Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya Gobolka Bari, ayaa sheegaya in maamulka Gobolkaasi uu mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha.
Amar kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu mamnuucay in laga ganacsado dhuxush, xili deegaano Gobolkaasi ka tirsan ay ku dhufteen abaaro lixaad leh.
Maamulka ayaa sheegay in deegaanada Gobolka aan lagu arki karin goobo lagu iibinayo dhuxusha iyo Jaritaanka geedaha.
Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Bari, Axmed Cali C/laahi, ayaa sheegay in arrin khalad ah ay tahay in deegaanada loo iibkeeno dhuxusha.
Axmed Cali waxa uu dhammaan ciidamada ku amray inay albaabada u xiraan goobaha lagu iibiyo dhuxusha ama lagu kala iibsado.
Ciidamada ka howlgala kontoroolada ayaa sidoo kale ku amray inaysan soo fasixin gaadiidka lagu iibkeeno dhuxusha.
Waxa uu Axmed Cali C/laahi, tilmaamay inaanan loo baahnayn jarista dhirta, haddii abaaro baahsan ay ka jiraan deegaano ka tirsan Puntland.
Sidoo kale, shacabka deegaanada maamulka ku nool ayuu ugu baaqay inay shidan karaan ulaha qalalay iyo gaaska cuntada lagu karsado.
Amarkaani lagu caburinaayo dadka deegaanka ayaa waxa uu horseedi karaa in dadka ka badbaaday abaarta ay saaxiib u noqdan abaaraha ka jira deegaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]