26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Musharaxiinta madaxweyne oo sii kordhay iyo shaqsiyaad liita oo ka dhex muuqda (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya cadadka musharaxiinta u tartameysa Doorashada heerka Madaxweyne ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Musharaxiinta ku tartameysa Doorashada Madaxtinimo ayaa waxaa iminka cadadkooda lagu sheegay Siddeed iyo toban musharax oo ay ku jiraan kuwo aan horay loogu dhex arag Siyaasada.

Siddeed iyo toban musharax, ayaa waxaa ku jira Xubno doonaya inay kamid noqdan Baarlamaanka Cusub balse aan dano gaara ka laheyn Doorashada markii laga reebo in magaca musharaxnimo ay kusoo galan Baarlamaanka.

Doorashadaani ayaa waxbadan ka duwan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray, waxa ayna noqoneysaa cadadkii ugu badnaa Musharaxiin oo isku soo taago Doorashada.

Siddeed iyo tobanka musharax ee u taagan Doorashada ayaa waxaa ku jira Musharaxiin la wato oo la doonaayo in lagu jabiyo Musharaxiinta kale.

musharaxiin

Qaarkood ayaa waxaa dhaqaalaha ka bixinaaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxa uuna ujeedku yahay in markii leysla gaaro fiinaalka ay codadka ugu shubaan mid kamid ah labadaasi mas’uul.

Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahya in cadadka Musharaxiintani aadka u badan ay kala yaraan doonaan maalmo ka hor inta aysan doorashadu dhicin, iyadoo sababta ugu weyn ay noqon doonta Tanaasul.

Caalamka ayaa aad u dhaliilsan cadadka Musharaxiinta oo gaaraya Siddeed iyo toban musharax, waxaana la rabay in Mushraxiinta aysan dhaafin ilaa 5 Musharax ama ka yar.

Geesta kale, Siddeed iyo toban musharax ayaa waxaa ka dhexmuuqda kuwo aan heysan wax dhaqaale ah, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadu ay caado u leeyihiin in Musharaxa ay dooranayaan ka qaatan dhaqaale aad u xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News