Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Uganda + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo la filayo in todobaadkan dhammaadkiisa uu uga qayb-galo shir muhiim ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa maanta Muqdisho ka baxay wafdi hordhac u ah Madaxweynaha oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, kuwaas oo gaaray magaalada Kampala.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka qayb-galayaan shir looga hadlayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee ka scoda Soomaaliya, kaas oo wajahaya xaalad adag, maadaama uu howlgalku wajahayo dhaqaale xumo wayn.

Shirkan ka furmi doono Kampala ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli mustaqbalka AUSSOM uu galay hubanti la’aan, kadib markii Mareykanka uu sheegay inuusan taageeri doonin sii wadista howlaha Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

UNSOS ayaa AUSSOM siisa adeegyada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin cuntada, biyaha, shidaalka, gaadiidka, adeegyada caafimaadka iyo daad-gureynta ciidamada dhaawacma.

Mareykanka ayaa Midowga Afrika ku wargeliyey inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor istaagi doono qorshe kasta oo sii wadaya taageerada dhaqaale iyo tan farsamo ee UNSOS.

 

Miisaaniyadda UNSOS ayaa gaareysa ku dhowaad $500 milyan sanadkii, halka AUSSOM ay sidoo kale la daalaa-dhaceyso dhaqaale yari weyn oo wiiqday awooddeeda howlgal.

Si kastaba, ha’ahaatee, AUSSOM waxaa ka tirsan ku dhowaad 12,000 oo askari, kuwaas oo ciidamada Soomaaliyeed ka taageera dagaalka Al-Shabaab iyo ilaalinta xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News