Muqidsho (Caasimada Online) – Iyadoo marar badan dib u dhacyo ku yimaadeen doorashada Soomaaliya ayaa kulan arimahaasi looga hadlayo wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankaasi oo ahaa mid gaar ah ayaa wuxuu dhexmaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo wakiilka QM ee Soomaaliya.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa dib joog ka ahaa warbaahinta, waxaana si dhab ah loo ogaan karin go’aamada la gaaray.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dib u dhacyada ku yimid doorashooyinka sanadkaan iyo qaabka loo dajin karo doorashada.
Sidoo kale waxaa Jawaari lala wadaagay in muhiim tahay in la ogaadaa waqtiga rasmiga ee hadda ay dhaceyso doorashada madaxweynaya iyo afhayeenka baarlamanka.
La soco waxii xogo ah oo kusoo kordhaa Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]