26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Maareeye oo lagu fahmay qorshe afduub ahaa oo uu la damacsanaa…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha kasoo jeeda gobolada waqoyi ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu doonayo in codka doorashada uu ku helo qaab musuq-maasuq ah.

Odayaasha ayaa sheegay in Maareye uu doonayo inuu diiwan galiyo Ergooyin aan kasoo jeedin Gobolada Waqooyi.

Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah isimada ka soo jeeda gobolada waqoyi ee Somalia, ayaa sheegay in musharaxiin uu ka mid yahay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ay doonayan inay carqaladeeyan Doorashada, kadibna ay si qarsoodi ah u diiwan gishtaan Ergooyin aan khuseyn dorashada.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in Musuq-maasuq iyo Faragalin lagu hayo ay ka shaqeyn la’ yihiin, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Wasiir Maareye uu diyaarsaday Ergo been abuur ah oo la doonaayo in la diiwan galiyo si ay ugu codeyaan.

Boqorka ayaa ku eedeeyay wasiir Maareeye in uu qortay ergo asaga u gaar ah oo uu doonayo in ay isaga doortaan si uu u noqdo Xildhibaan.

Boqor Maxamed, waxa uu intaa ku daray inay ka hortagayaan qorshaha uu wato Wasiir Maareye, waxa uuna cadeeyay in iminka ay gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Maareye.

Dacwada ka dhanka ah Wasiir Maareye ayaa la sheegay in loo gudbiyay gudiga doorashada si wax looga qabto eregooyinka uu kaligiis qoranaayo wasiirka.

Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka ayaa baaritaan ku hay wararka sheegaya in Wasiir Maareye uu si hoose u qortay Ergooyin aan waxba ka khuseyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News