27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Gaas oo ka laabtay go’aankii Puntland kadib amar ka yimid beesha caalamka iyo DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka helnay saraakiil ka agdhow Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa sheegay in Puntland ka laabatay go’aan maalin ka hor lagu hakiyay doorashooyinkii Aqalka hoose ee kasocotay magaalada Garowe, taasoo lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Gaas oo hadda ku sugan waddanka China, ayaa go’aankan ka noqday kadib markii ay xiriir wada sameeyeen beesha Caalamka iyo Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyagoo kawada xaajooday arrimo la xiriira sababta keentay hakinta doorashada.

Waxaa sidoo kale xiriirkaas lagu cadeeyay inaysan Puntland awood u lahayn inay is-hortaag ku samayso soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Xogta, ayaa sheegaysa inaysan sababta loo joojiyay doorashada la xiriirin xubnaha ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, balse mashaakilku ka yimid lacag lagu bixinayay doorashada qabsoomideeda oo aysan wali helin Puntland.

Caasimada Online ayaa fahamsan in xubnaahaas is-afgarad ka sameeyeen waxyaabaha Puntland ka biyo diiday gaar ahaan lacag gaaraysa 2 Milyan oo doollar, oo ku xirnayd qoondada Dumarku ku leeyihiin Aqalka hoose sida Puntland uga soo baxdo.

Goor sii horraysa guddiga doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo doorashada iyagoo ka gaabsaday inay waraysi ka bixiyaan siday u arkaan xannibaada Puntland ku samaysay doorashada socotay.

Lama oga tallaabadan inuu la ogyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo horay qoraalku uga soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa horay sidaan oo kale deg deg uga laabtay go’aamo uu qaatay, waxaana dadka u odorosa siyaasadda sheegayaan inaysan jirin wadashaqayn ka dhaxaysa laamaha kala duwan ee dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News