London (Caasimada Online) – Laba nin oo ka tirsan bulshada Yuhuudda ayaa Arbacadii lagu mindiyeeyay waqooyiga magaalada London, dhacdadaas oo ay ciidamada boolisku si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay tahay “weerar argagixiso.” Falkani wuxuu imanayaa xilli ay dhowaanahan jireen taxane weeraro dab-qabadsiin ah oo lala beegsanayay xarumaha Yuhuudda.
Boqorka Ingiriiska Charles III, Ra’iisul Wasaare Keir Starmer iyo Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa hormuud ka ahaa mas’uuliyiinta sida adag u cambaareeyay weeraradan “naxdinta leh” ee ka dhacay deegaanka Golders Green, oo ay ku nool yihiin bulsho weyn oo Yuhuud ah.
Booliska ayaa xaqiijiyay in la xiray nin 45 jir ah kaddib markii uu isku dayay inuu sidoo kale mindiyeeyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Labada dhibbane, oo da’doodu kala tahay 76 iyo 34 jir, ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka iyadoo dhakhaatiirtuna ay xuseen in xaaladdoodu ay hadda deggen tahay.
Taliyaha Ciidamada Booliska London ee Met Police, Mark Rowley, oo warbaahinta kula hadlayay goobta ay wax ka dhaceen iyadoo ay buuq iyo qeylo kala hortageen qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in eedeysanuhu uu leeyahay “taariikh fal-dembiyeedyo rabshado wata iyo xanuunno dhanka dhimirka ah”.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in weerarkan loo arko mid lagu qaaday dhammaan shacabka caasimadda, isagoo yiri: “Aan caddeeyo: kani waa weerar lagu qaaday hal bulsho, weerar lagu qaado hal bulshona waa weerar ka dhan ah dhammaan bulshooyinka ku nool London.”
Ra’iisul Wasaare Starmer ayaa taageeray aragtidaas, isagoo barta X ku qoray in “weerarada lagu qaado bulshadeena Yuhuudda ah ay yihiin weeraro ka dhan ah Britain,” wuxuuna ballan-qaaday in “caddaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay.”
Sida ay xaqiijisay xildhibaanadda laga soo doorto deegaankaas, Sarah Sackman, hoggaamiyaha dowladda Ingiriiska ayaa Arbacada gelinka dambe shir degdeg ah isugu yeeri doona wasiirrada sarsare iyo saraakiisha amniga.
Dhanka kale, Boqor Charles III oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka, ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Buckingham ku sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay arrintan.
Mindiyeeyntan ayaa imaneysa kaddib markii weeraro lala beegsaday macbadyada iyo xarumaha kale ee Yuhuudda ee waqooyiga London toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo si weyn u kordhiyay cabsida dhanka amniga ee soo wajahday bulshadan.
Weerar naxdin leh
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa dhaleeceysay xukuumadda Starmer waxyar uun kaddib markii uu weerarku dhacay. “Kaddib weeraradii lagu qaaday macbadyada, hay’adaha Yuhuudda, gawaarida gurmadka degdegga ah ee bulshada, iyo haatan oo Yuhuudda lagu bartilmaameedsaday Golders Green, dowladda UK mar dambe ma sheegan karto in xaaladdu ay gacanta ku jirto,” ayay xukuumadda Tel Aviv ku daabacday barta X.
Taliye Ku-xigeenka Booliska, Laurence Taylor, oo ah Madaxa La-dagaallanka Argagixisada ee UK, ayaa xaqiijiyay in mindiyeyntan “haatan si rasmi ah loogu aqoonsaday dhacdo argagixiso.” Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha la-dagaallanka argagixisada iyo booliska caasimadda ay “la shaqeynayaan hay’adaha sirdoonka si loo helo xog buuxda oo dhanka amniga ah.”
“Mid ka mid ah jihooyinka baaritaanku wuxuu yahay in la ogaado in weerarkan si ula kac ah loogu bartilmaameedsaday bulshada Yuhuudda iyo in kale,” ayuu yiri Taylor isagoo taagan bannaanka xarunta dhexe ee booliska ee New Scotland Yard ee bartamaha London.
Dhacdadan ayaa billaabatay waxyar kaddib 11:00 barqanimo (10:00 GMT), iyadoo kooxda ilaalada deegaanka Yuhuudda ee loo yaqaano Shomrim ay markii ugu horreysay soo tabiyeen in nin mindi wata uu “isku dayayo inuu mindiyeeyo shacabka Yuhuudda ah.”
Xubnaha Shomrim ayaa gacan ka geystay in la qabto eedeysanaha kahor inta aysan boolisku soo gaarin, kuwaas oo ninka u adeegsaday hubka korontada bixiya si ay u xakameeyaan. Sida degdegga ah ee ay uga falceliyeen mutadawiciinta Yuhuudda ayaa heshay ammaan ballaaran.
Dhibbanayaasha ayaa goobta lagu dabiibay iyadoo la adeegsanayo Hatzola, oo ah adeeg gurmadka degdegga ah oo ay iskaa-wax-u-qabso ku maamulaan bulshada Yuhuudda.
Mindiyeeyntan ayaa sidoo kale soo xasuus celinaysa weerar dhimasho sababay oo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay lagu qaaday macbad ku yaalla magaalada Manchester, xilligii lagu guda jiray maalinta barakeysan ee Yuhuudda ee Yom Kippur. Weerarkaas ayaa galaaftay nolosha laba qof wuxuuna si xun u dhaawacay saddex kale, arrintaas oo sare u qaadday walaaca dhanka amniga.
“Maxaa qasab ka dhigay inaan cabsi ku dhex noolaano? Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan nolosheenna ugu noolaano si caadi ah balse maalin kasta waa halgan adag,” ayuu Stephen Bak oo ah mutadawac ka tirsan Shomrim u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Arbacadii.
Arrin laga naxo
Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa isku xigxiga weerarada naceybka ku saleysan ku sifeeyay kuwo “laga naxo”. Wuxuu barta X raaciyay: “Waa in uusan gabi ahaanba jirin boos uu naceybka Yuhuuddu kaga dhex noolaado bulshadeena.”
Ephraim Mirvis, oo ah Hoggaamiyaha Diinta Yuhuudda ee Britain (Chief Rabbi), ayaa xusay in bulshadoodu ay tahay mid “adag” oo “adkeysi badan”, balse uu carabka ku dhuftay in “weerarada noocan ah ay tahay inay hadda istaagaan.”
“Eber-dulqaad — taasi waa waxa ay bulshadeenu rabto,” ayuu u sheegay suxufiyiinta goobta ku sugnaa. “Bulshadeenu waxay u baahan tahay inay ogaato in arrintan aan marnaba loo dulqaadan karin… Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno ficillo lagu daray ereyada quruuxda badan.”
Weerarkii ugu horreeyay ee London ka dhaca dabayaaqadii bishii Maarso ayaa lagu gubay afar gaari oo ambalaas ah oo ay leedahay kooxda Hatzola. Dhacdooyin kale ayaa xigay, oo ay ku jiraan weerar lagu qaaday macbadka Kenton United Synagogue ee deegaanka Harrow iyo xarun ay leedahay hay’ad samafal oo Yuhuud ah. Toddobaadkii hore, waxaa sidoo kale la bartilmaameedsaday macbadka Finchley Reform Synagogue.
Booliska ayaa xiray ugu yaraan 26 qof oo lala xiriirinayo weeraradan kala duwan, kuwaas oo soo bilowday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan 28-kii Febraayo. In badan oo ka mid ah dhacdooyinkan waxaa sheegatay koox aan si weyn loo aqoon oo lagu magacaabo Xarakat Ashaabul Yamiin Al-Islaamiya (HAYI), taas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay dalka Iiraan.
Hay’adda Amniga Bulshada ee Community Security Trust ayaa diiwaangelisay 3,700 oo dhacdo oo la xiriira naceybka ka dhanka ah Yuhuudda guud ahaan UK sanadkii hore, taas oo ah koror boqolkiiba 4 ah marka loo eego sanadkii 2024, balse ka hooseysa heerkii 2023.









