Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Gobolada dalka ay ka socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa waxaa soo baxaaya in Xildhibaanada Cusub looga baahan yahay Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016.
C/kariin Xaaji Cabdi ”Buux” oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna tilmaamay in halkaasi lagu gudoonsiin doono shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay ku guuleysteen.
Buux waxa uu sheegay in tagitaanka Xafiiskaasi Guddiga Doorashooyinka kadib Xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay iska xaadiriyaan xarunta maamulka G/Banaadir, si ay ugu sii gudbaan xarunta Villa Hargeysa oo loogu diyaariyay hanaanka diiwaan gelintooda iyo kaararka aqoonsiga.
Mr Buux oo arrintaani ka hadlaaya ayaa yiri ”Bisha 01-December ayey si rasmi ah guddiga doorashooyinka u bilaabi doonaan bixinta shahaadooyinka marka uu mudanaha soo qaatana shahaadada waa in uu la yimaadaa maamulka Baarlamaanka Villa Hargeysa isaga oo wata laba sawir iyo cadeynta qofka”
Waxa uu sheegay in la adkeyn doono shuruucda waxa uuna Xildhibaanada cusub ugu baaqay inay muujiyaan dhabar adeeg iyo sabar badan, maadaama uu yiri xaqiijinta ay wakhti badan qaadan doonto.
Dhinaca kale, Mr Buux ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka cusub oo ah labada Aqal ”Aqalka sare iyo Aqalka Hoose”oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]