26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Doorashadii ugu horeysay oo maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashadii ugu horeysay oo Heer Aqal Hoose ah, taa oo u dhexeyn doonta Beelaha Banaadiriga.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa xaqiijiyay in Doorashadaasi ay u dhexeyn doonto Musharaxiinta Beelaha Banaadiriga ee u tartamaaya Doorashada Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Dhegey, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay taal todobo kursi oo Doorashooyinkooda maanta bilaabaneysa.

Doorashada Beelaha Banaadiriga oo ah 5 kursi ayaa Maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo Muqdisho, waxaana marka hore la dooran doonaa laba ama Seddex kursi.

Goobta ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo ilaalinaaya amniga Goobta Doorashada.

Geesta kale, waxaa doorashadaani xigi doonta doorashada musharaxiinta Gobolada Waqooyi ee Somalia kuwaasi oo qabanqaabada Doorashadooda ay ka socto Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News