25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dagaal aad u qaraaran oo goordhow ka dhacay Gobolka Hiiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online)-Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Booliska iyo Maleeshiyaad isbiirsaday oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Gamber-laawe oo dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay khasaaro kala duwan waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa Seddex ruux oo laba kamid ah ay ahaayen Ciidamada Dowlada.

Dadka dagaalka ku Dhaawacmay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 6 Ruux oo ka kala tirsan labada dhinac ee uu Dagaalka u dhexeeyo.

Xaalada deegaanka Gamber-laawe ayaa iminka kacsan waxaana la sheegayaa in Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka hubeysan ay is horfadhiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News