Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe uu diiday inuu saxiixo Liiska Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay in saxiixaasi uu diiday kadib markii uu la gadooday maamulka Puntland oo cabasho ka muujinaaya Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal.
Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu si cad u diiday inuu saxiixo Liiska Xildhibaanada labada Aqal.
Waxa uu sheegay in saxiixa Liiska Xildhibaanada uu ku xiray shuruud ah in la xaliyo Tabashada Maamulka Puntland ay ka qabaan Arrimaha Doorashooyinka.
Waxa uu intaa kusii daray in go’aanka Axmed Madoobe uu yahay mid ka danbeeyay kadib markii 3 December ay xiriir qadka Telefoonka wada sameeyen labada madaxweyne Goboleed oo isla gaaray inaan la saxiixin Liiska.
Madaxweyne Puntland C/wali Gaas oo isagu kusoo hormaray wicitaanka ayaa Axmed Madoobe ka dhaadhiciyay inuu ka hor imaado saxiixa Liiska, si Puntland loogu dhaqan galiyo Baahideeda ku aadan tabashooyinka.
Axmed Madoobe oo garab siinaaya Cabdi Wali Gaas ayaa Guddiga Doorashooyinka Jubbaland isugu yeeray waxa uuna hordhigay in Liiska uu saxiixi doono isla markaana ku wareejin doono balse ay ku xiran tahay shuruud ah in la qanciyo Puntland.
Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in ay doonayaan in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag lagu doorto Puntland islamarkaana aysan Aqbali doonin haddii Doorashadoodu ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa mar waliba astaan u noqda khilaaf iyo is qabqabsi soo kala dhexgala Dowlada Somalia iyo Maamulada dalka ka jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

