26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xog: Ethiopia oo dhaqaale ku wareejisay madaxweyne Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo ay wada kulmeen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimaha Doorashooyinka Somalia.

Madaxweyne Xassan oo qorshooyin dhowr ah u gaaray dalka Ethiopia ayaa ah musharaxa kaliya ee dowladda Ethiopia ay taageereyso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Kulamo dhowr ah oo saacado kala duwan qaatay kadib ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn uu Xasan Sheekh ku wareejiyay dhaqaale aan weli la shaacin inta uu la eg yahay.

Safarka Xasan Sheekh ee magaalada Addis ababa ayaa waxaa qeyb ka ahaa oo qaadashada lacagtaasi.

Warar ayaa sheegaya in dhaqaalaha Xasan uu ka helay Ethiopia laga yaabo inay bixiyeen dalal kale balse Ethiopia loo marsiiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaqaalaha ugu badan ka helayo Dowladaha Ethiopia iyo Turkiga oo ku garabsiinaya sida uu mar kale ugu soo bixi lahaa Doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News