27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xog: Xildhibaano Faarax C/qaadir uu diyaariyey oo si yaab leh loo kala furfuray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu ku fashilmay ololihii uu ugu jiray Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax uu baryahaani danbe waday uruurinta Xildhibaano cusub kuwaasi oo la doonayo in xiliga doorashada ay u codeeyan Madaxweyne Xasan Sheekh oo musharax ah.

Fashilka Xildhibaan Faarax ayaa yimid kadib markii laga kala diray Xildhibaano tiro ahaan lagu sheegay 22 kuwaasi oo laga dhaadhiciyay inay u codeeyan Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanadani oo u badnaa kuwo kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la sheegay inay kala direen Xildhibaano kale oo daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isna ah Musharax loolan kula jira Xasan Sheekh.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ah Guddoomiyaha Guddiga ololaha u qaabilsan Xassan Sheekh, ayaa xusul duub ugu jira sida uu dib ula soo laaban lahaa Xildhibaanada uu dhowrka maalin uruurinaayay ee laga kala diray.

Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin dhowr ah oo daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan kuwaasi oo wada ololo taageero loogu raadinaayo Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News