27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Wiil dhallinyaro ah oo guul darro culus maanta gaarsiiyey musharaxii Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Doorasho si weyn loogu loolamay ayaa maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xaruna maamulka Hirshabeele.

Kursiga Beesha Daa’uud ee Abgaal ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa: C/qaadir Carrabow Maxamed iyo Maxamed Axmed Beerrey oo ay kala taageerayaan siyaasiyiin mucaarad ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Eng. C/qaadir Carabow oo ah nin dhalinyaro ah isla markaana siyaasadda ku cusub ayaa helay wareegii koowaad 31 cod, halka Musharaxa Maxamed Axmed Beerey uu helay 20 cod.

carabGuusha Ina Carrabow ayaa loo aaneynayaa inay ka danbeysay markii uu taageero weyn ka heshay beesha oo dhan iyo siyaasiyiin fara badan oo ka horjeeday Xasan Sheekh iyo Villa Somalia.

Xogta laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegeysa in kursigan lagu bixiyay dhaqaale ka badan Nus Milyan Doolar.

Musharixiinta laga taageerayo madaxtooyada ee looga adkaanayo doorashooyinka magaalada Jowhar ayaa sii badanaya, taasoo ka duwan guulaha ay madaxtooyadu ka gaartay magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News